Ruushka oo Tijaabiyey gantaal cabsi ku abuuray reer Galbeedka

0
32

Ruushka oo Tijaabiyey gantaal cabsi ku abuuray reer Galbeedka

Reer galbeedka ayaa hadda oggaaday labo goobood oo ay ka dhacday tijaabada gantaallo xambaara hubka nukliyeerka oo Ruushka uu soo saaray.

Gantaalahan casriga ah ayaa si fudud u burburin kara bartilmaameedyo gaar ah.

Isbahaysiga NATO ayaa hadda isku dayaya inay wax badan ka bartaan gantaalladan cusub ee Ruushka oo lagu magacaabo 9M730 Burevestnik.

Putin ayaa ku sheegay gantaalladan qaada nukliyeerka oo la fududeeyay inay awood u leeyihiin inaysan celin karin nidaamyada difaaca hubka ee Mareykanka iyo kuwa kale ee reer galbeedka.

Hadalkan ayaa reer galbeedka ku dhaliyay inay sara-joogsadaan si ay wax uga raadiyaan gantaalladan iyo macluumaadka la xiriira.

Dhinaca kale, Turkiga ayaa si rasmi ah u gudbiyay codsi ah inuu xubin ka noqdo isbahaysiga BRICS, sida uu shaaciyay afhayeenka xisbiga talada haya AK Party ee Turkiga, Omer Celik.

Turkiga , haddii uu ku biiro BRICS wuxuu noqonaya dalkii u horreeyay ee NATO ka tirsan oo xubin ka noqda isbahaysiga ay hoggaamiyaan Ruushka iyo Shiinaha ee BRICS.