Bangiga Adduunka oo Dalalka Somalia, Rwanda, Kenya & Uganda ku maalgelinaya $17.2 Bilyan

0
32
World Bank on glass building. Mirrored sky and city modern facade. Global capital, business, finance, economy, banking and money concept 3D rendering animation.

Bangiga Adduunka oo Dalalka Somalia, Rwanda, Kenya & Uganda ku maalgelinaya $17.2 Bilyan

Agaasimaha cusub ee Bangiga Adduunka u qaabilsan Dalalka Somalia, Rwanda, Kenya iyo Uganda Keith Hansen oo kaashanaya kooxda la shaqeyneysa ayaa lagu wadaa in ay afartaas Dal ka fuliyaan Mashaariic dhan 102 oo qiimaha ku kacayo uu gaarayo $17.2 Bilyan oo Doollar.

Keith Hansen oo leh khibrad 35 sano kana soo shaqeeyay Dalal kala duwan oo Caalamka ah ayuu Bangiga Adduunka u gartay in uu hoggaamiyo mashaariicdaan laga fulinayo Waddamadaan uu Agaasimaha uga noqon doonno.

Howshaan oo xooggeeda uu billaabay bishaan Septeembar 2024 ayuu Xafiiskiisa diiradda ku saarayaa sidii looga fakiri lahaa mashaariicdaan si looga dhigo mid nacfi badan u leh Bulshada ku kala nool Kenya, Somalia, Rwanda & Uganda.

Warbixinnadii ugu dambeeyay ee Bangiga Adduunka ayaa lagu qeexay in Soomaaliya meel sare kasoo istaagtay kororka dhanka dhaqaalaha wixii ka dambeeyay tan iyo markii Daynta laga cafiyay soona buuxisay shuruudihii la hordhigay.

Bangiga Adduunka ayaa garab siiya Dal ay kamid ah Soomaliya, Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay ka faaiideysaneyso fursadaha kala duwan ee uga imaanaya Dhanka dhinacyada daneynaya in ay mashaariic ka fuliyaan Dalka.