Somaliland oo 21 cisho u qabatay Ethiopian Airlines & FlyDubai

0
63

Somaliland oo 21 cisho u qabatay Ethiopian Airlines & FlyDubai

Somaliland oo shirkadaha Ethiopian Airlines iyo FlyDubai u qabatay muddo 21 cisho ah inay dib ugu qoraan Magaca Somaliland duulimaadyadooda Hargaysa iyo Berbera.

Arrintan ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay heyada duulista Madaarada ee Somaliland hase ahaatee qoraalka laguma sheegin talaabada laga qaadayo labada shirkadood hadii ay fulin waayaan amarkan.

Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo FlyDubai ayaa dhowaan u hogaansamay amar ka soo baxay dowlada Somalia oo ahaa iney barahooda internetka ka saaraan magaca Somaliland, kuna bedelaan Somalia marka ay tilmaamayaan magaalooyinka ay duulimaadyada ku tagaan.

DF ayaa ugu hanjabtay labada shirkadood iney amarkaas ku fuliyaan saddex cisho hadii ay fulin waayaana lagala laaban doono ruqsada duulimaadyada ay ku yimaadaan magaalooyinka dalka, labada shirkadood ayaa amarkaas markii dambe sidiisa u qaatay.

Somaliland ayaa ka carootay amarka ay labada shirkadood u hogaansameen ee ka soo baxay dowlada Somalia, iyagoo sheegay iney arrintaas tahay meel ka dhac iyo xad gudub loo geystay wax ay ugu yeereen madax banaanidooda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SOMALILAND