RW Xamsa: Itoobiya haddii aysan ka noqon MOU-da kama mid noqon doonto howlgalka soo socda

0
42

RW Xamsa: Itoobiya haddii aysan ka noqon MOU-da kama mid noqon doonto howlgalka soo socda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Itoobiya aanay ciidankeeda kamid noqon doonnin howlgalka cusub ee ATMIS lagu baddelayo haddii ay diido in ay dib uga laabato heshiiskii ay la gashay Maamulka Somaliland.

Xamsa ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudbisay qaraar ka dhan ah xadgudubka Itoobiya isla markaana ay laga sugayo Xukuumadda Addis Ababa in ay ka laabato haddii ay diiddana ciidankeeda laga saarayo Gudaha Dalka sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaas ku daray in haddii aanay Ixtiraam u muujin midnimada iyo wadajirka Soomaaliya in aan Itoobiya laga aqbali doonnin in ay kasii mid ahaadaan howlgalka Midowga Afrika ee fasaxa ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Haddii Itoobiya aysan ka noqon MOU-da (Heshiiskii ay la gashay Maamulka Somaliland) Ciidankeeda kama mid ahaan doonnaan howlgalka soo socda, haddii ay sii joogaan magac kale ayay yeelan doonaan” Ayuu yiri RW Xamsa Cabdi Barre.

Hadalkaan waxa uu ka sheegay kulan su’aalo lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre, waxaana bisha soo socota Sebteembar loo ballansan yahay in wajiga saddexaad ee wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhaco Dalka Turkiga.