Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay warshad ku taalla Hindiya

0
59

Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay warshad ku taalla Hindiya

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dab xooggan oo ka kacay warshad lagu sameeyo daawada oo ku taalla Gobolka koonfurta India ee Andhra Pradesh.

Sida ay saraakiisha gargaarka deg dega sheegeen dabka ayaa waxaa ku geeriyooday 17 ruux, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa la soo gabagabeeyay howlihii samata bixinta, waxaana xarruumaha caafimaadka la geeyay ku dhawaad ​​40 qof oo dhaawac ah, isla markaasna ay ku jiraan kuwo xaaladooda culus tahay.

Mas’uuliyiinta Warshadda ayaa sheegay in dabka uu sababay qarax xooggan oo ka dhashay kiimikada warshada, kaasi oo ku faafay qeybaha kala duwan ee halkaasi.

Saraakiisha amniga ayaa soo gaaray goobta, kuwaasi oo baaraya waxa sababay dabka.