Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay saddex nin oo ay qabteen

0
55

Kooxda Al Shabaab ayaa shalay fagaare kuyaalla degmada Kabsuuma ee gobolka Jubadda Hoose , waxa ay ku toogteem saddex oo ay sheegeen in ay katirsanaayeen ciidamada daraawiishta Jubbaland, kuwaa oo lagu qabtay dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo.

Dadweyne fara badan ayey Al Shabaab isugu keeneen fagaaraha xukunka dilka ah uu ka dhacayay, waxaa sidoo kale fagaaraha ku sugnaa saraakiil iyo dagaallamayaal katirsan Al Shabaab oo iyana daawanayay sida xukunka dilka ah loo fulinayay.

Maxkamadda Al Shabaab ayaana xukun dil ah ku riday saddexdan askari ee katirsanaa ciidamada Jubbaland oo lagu qabtay dagaallo ka dhacay deegaanka Buula Xaaji, raggan xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaana helin qareenno ka difaaca dambiga lagu soo eedeeyay.

Saddexda nin ee xukunka dilka ah ku fuliyee kooxda Al Shabaab ayaa magacyadopoda lagu kala sheegay ,Saciid Cabdow Yuusuf, Maxamed Cabdi Xasan iyo Cabdi Cumar Maxamed, ayada oo kahor toogashadooda ay xukun ku ridday maxkamad hoostaga isla kooxda.

Al Shabaab ayaa marar badan xukunno dil ah ku fulisay askar katirsan ciidanka dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo dad kale ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis, kuwaa oo qaarkood horey uga tirsanaayeen kooxda Al Shabaab .