Joe Biden oo eedeyn u jeediyay Donald Trump

0
66

Joe Biden oo eedeyn u jeediyay Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uusan kalsooni ku qabin suurtogalnimada ah in uu si nabdoon awoodda ku wareejiyo musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

Joe Biden ayaa intaas ku daray, in Trump hore dhaqankaa loogu arkay, isla markaana uu beeniyay doorashadii dhacday sannadka 2020-kii.

Sidoo kale, Biden ayaa hadalkan ku sheegay wareysigii ugu horreeyey ee uu bixiyo tan iyo markii uu isaga haray tartanka doorashada madaxweynenimada Mareykanka.

Doorashada Mareykanka oo lagu wado inay dhacdo bisha November ee sannadkan ayaa waxaa xilka madaxweynaha ku tartami doono Donald Trump iyo Kamala Harris oo kala matalaya xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.

SOURCE: BBC NEWS