Booliiska oo ka hadlay Weerarkii Xeebta Liido iyo khasaaraha ka dhashay

0
62

Booliiska oo ka hadlay Weerarkii Xeebta Liido iyo khasaaraha ka dhashay

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan, oo goordhaw warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii xalay kooxda Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay.

Waxa uu sheegay afhayeenka in weerarka Al Shabaab uu ku bilowday qarax ismiidaamin ah uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray, kaa uu sheegay in uu isku qarxiyay dad shacab ah oo ku sugnaa dhulka bannaan ee xeebta Liido iyo hooyooyin halkaasi alaabo yar yar ku iibinayay.

Afhayeenka ayaana sheegay in qaraxa kaddib dabley hubeysan oo gaaraya ilaa saddex nin ay galeen dhismaha maqaayada Beach View halkaas uu sheegay in ay doonayeen in ay dad shacab ah ku laayaan, hasa ahaatee ciidanka ammaanka kahor tageen shartooda laguna dilay goobtaasi.

Waxa uu sheegay afhayeenka ciidanka booliiska in weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido ku dhinteen dad gaaraya 32 qof oo shacab ahaa, waxa uuna inta aku daray tirada dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 63-qof oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada fashiliyeen kana hortageen gaari waxyaabaha qarxa kasoo buuxiyeen Al Shabaab ay doonayeen in ay ku laayaan dadka ka badbaada weerarkii hore, waxa uuna xusay in ciidamada qabteen isaga oo dhaawac ah ninkii waday gaarigaasi qaraxyada lagu soo raray.

Ugu dambeyn afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan ayna dowladda iyo ciidanka gacan ku siiyaan soo afjarida cadawga uu sheegay in ay usoo jeesteen in ay laayaan shacabka Soomaaliyeed aan waxba galabsan.