Militeriga Israel oo xaqiijiyay duqeyn ay ku dileen Madaxii Militeriga ururka Xamaas

0
54

Militeriga Israel oo xaqiijiyay duqeyn ay ku dileen Madaxii Militeriga ururka Xamaas

Milatariga Israel ayaa sheegtay in madaxii garabka militari ee Xamaas, Mohammed Deif, lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay Gaza bishii July.

Bayaan ay soo saareen millatariga Israa’iil waxay ku sheegeen ka dib baaritaano sirdoon oo ay sameeyeen in la xaqiijiyay dhimashada Mohammed Deif.

Israa’iil ayaa Deif ku beegsatay 13-kii July weerar duqeyn ah oo ay ku garaacday xarun ku taal duleedka koonfurta magaalada Qaza ee Khan Younis.

Ma jirin ilaa xiligaan cid xaqiijisay dhimashada Mohammed Deif.

In ka badan 90 kale oo falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad rayid ah oo barakaceyaal ah ayaa ku geeriyooday duqeynta lala beegsaday madaxii garabka Militeriga Xamaas.

Geerida Maxamed Deif ayaa ku soo aadeysa xilli maalin ka hor magaalada Tehraan lagu dilay madaxii garabka siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah.