Burcad jarjartay qaar ka mida xarkaha isgaarsiinta dal Yurub kuyaalla

0
79

Burcad jarjartay qaar ka mida xarkaha isgaarsiinta dal Yurub kuyaalla

dalka Faransiiska ayaa sheegtay in kooxaha budhcadda ahi inay weeraro ku qaadeen khadadka shirkadaha isgaadhsiinta, kuwaas oo khalkhal geliyey qaybo ka mida adeegyada isgaadhsiinta oo ay ku jiraan khadadka mobile-da ee dalkaasi, sida ay ku baahisay barteeda X.

Ilo wareedyo ka agdhow ciidamada booliska ee dalka Faransiiska ayaa sheegay inay tahay xilli hore, in la kala xaqiijiyo, in weeraradi inay ahaayeen kuwo abaabulan oo loo geystay si ula kac ah oo xidhiidh la leh weeraradii hore loogu qaaday khadadka tareenada ee dalkaas, taas oo carqalad weyn ku keentay habsami u socodkii xafladdii furitaanka ee ciyaaraha olombikada.

Wasiirka ayaa ku tilmaantay kooxaha budhcadda ahi inay yihiin kuwo fulay ah oo ay ka muuqato masuuliyad darro, iyada oo intaas raacisay in haatan lagu mashquulsan yahay in dib loosoo celiyo adeegyada isgaadhsiinta ee la carqaladeeyey.

Afhayeen u hadlay shirkadda isgaadhsiinta ee SFR ayaa sheegya in kooxaha budhcadda ahi inay jarjareen shan ka mida xadhkihii adeegyada isgaadhsiinta isaga gudbin jiray meelaha dhaadheer.

Wuxuu sheegay in saamayntu ay kooban tahay maadaama oo ay adeegyada u leexiyeen jidad kale oo diyaar ahaa.