Shacabka Garoowe, Dangoroyo & Godobjiiraan oo Saakay u dareeray Sanaadiiqda Codbixinta

0
42

Shacabka Garoowe, Dangoroyo & Godobjiiraan oo Saakay u dareeray Sanaadiiqda Codbixinta

Saddex Magaalo oo kamid ah Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa saakay looga dareeray codbixinta Doorashada Qof & Codka ah si ay Dadkaas u doortaan Xisbiga ku metalaya Siyaasadda & Xubnaha wakiilka ka ah.

Guddiga Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in goobaha la dhigay Sanaadiiqda Codbixinta in la geeyay Ciidamo katirsan kuwa Amniga gaar ahaan Booliiska kuwaas oo ilaalinaya nidaamka Guddigaas qorsheeyay.

Dadka haysta kaararka aqoonsiga ee horay isugu diiwaangeliyay Doorashadaan in ay ka codeeyaan ayaa billaabay in ay Xaanshiyaha codkooda ku muujinayan in ay ku ridaan Sanaadiiqda loogu talagalay.

Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland, Taliyaha Booliiska & Xubno kale oo katirsan Kormeerayaasha loogu talagalay in ay indhaha ku hayaan sida ay wax u socdaan ayaa tagay goobo kala duwan.

Gelinka dambe ee maanta ayaa lasoo xiri doonna goobaha Codbixinta waxaana laga soo qaadi doonnaa Sanaadiiqda lagu riday warqadaha codbixiyaashu ku codeeyeen si loo galo wajiga xiga oo ah in la tiriyo si loo ogaado sida codadka loo kala helay.