Militariga Israaiil oo si awood ah Gaza uga barakicinaya Dadka ay ku go’doomiyeen

0
43

Militariga Israaiil oo si awood ah Gaza uga barakicinaya Dadka ay ku go’doomiyeen

Militariga Israaiil ayaa Shacabka Magaalada Gaza gaar ahaan dhinaca Koofureed degen ku amray in ay isaga baxaan halkaas oo ay la damacsan yihiin duqeymo xooggan sida ay hadalka u dhigeen si aanay waxyeello usoo gaarin.

Dadka digniintu gaartay ayaa sheegay in markii horeba aanay jirin digniin isla markaana weerar culus ay ku beegsan jireen ciidanka Israaiil balse ujeedka hadda uu yahay mid ay ku dooneyso in bilaa iska caabbin in gudaha ay galaan.

Inta badan Dadka Shacabka ah ayaa ku dooday in aanay jirin meel ay sal-dhigtaan sidaas awgeed ay dhegaha ka fureysanayaan baaqyada raqiista ah ee damiir-xumada ku dheehan tahay ee Israaiil uga imaaneysa.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay barakicinta cusub ee Israaiil iyada oo intaas ku dartay in cunno, Biyo & Caafimaad la’aanta ka jirta Magaaladaas ay ugu wacan tahay Israaiil oo diiday in loo gudbiyo Dadkaas Gargaarka ay u baahan yihiin.

La soco wixii kasoo kordha