Erdogan oo casuumay Madaxweyne uu la dagaalamay

0
51

HomeNEWSErdogan oo casuumay Madaxweyne uu la dagaalamay
NEWS
Erdogan oo casuumay Madaxweyne uu la dagaalamay
by Caydiid AliJuly 7, 202401990
SHARE0

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horreysay sheegay inuu martiqaad rasmi ah u fidinayo Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, si dib loogu hagaajiyo xiriirka labada dal.

Erdogan, wuxuu muddo 10 sanno ah si xooggan u maalgeliyay mucaaraadka Suuriya si ay xukunka uga tuuraan Bashar al-Assad, laakin hadda wuxuu aqbalay Erdogan inaysan taas shaqeynayn, si la mid ah Mareykanka oo waqti hore aqbalay inaysan awoodin xukunka in laga tuuro Bashar al-Assad, wuxuuna qaatay siyaasad go’doomin ah, balse Turkiga sidaa ma sameyn karo sababo la xiriir xadka labada dal iyo khatarta amni ee uga imaan karta Suuriya, taaoo hadda ku qasbaysa inuu xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi la yeesho Suuriya, isagoo aqoonsan Bashar al-Assad.

Waddamada Carabta ayaa iyagana ka qaaday xannibaada Bashar al-Assad iyagoo dib u soo celiyay kursigii Jaamacadda Carabta. Sidoo kale, Bashar al-Assad, waa hoggaamiyaha kaliya ee ka badbaaday ololihii guga Carabta ee ay ka faa’iideysteen reer galbeedka iyo dhaqdhaqaaqii isbeddelka uu doonayay Mareykanka oo sidoo kale taageerraya siyaasadda bariga dhexe ee Israa’iil, xukunka uga tuuray hoggaamiyayaashii Carabta oo mayalka adkaa.

Waxyaabaha hadda ka dhacaya Suuriya ayaa yimid, dhimashada malaayiin Suuriyaan, burbur gobollo iyo barakac aan xad lahayn oo ka dhashay iskudaygii xukunka looga tuurayay Assad ee aan lagu guuleysan.