Ciidanka Israaiil oo ugu yaraan 16 ruux ku dilay weerar ay ka fuliyeen Iskuul ku yaalla Magaalada Gaza.

0
68

Ciidanka Israaiil oo ugu yaraan 16 ruux ku dilay weerar ay ka fuliyeen Iskuul ku yaalla Magaalada Gaza.

Ciidanka Israaiil ayaa weerar arxan-darro ah ka fuliyay Iskuul ku yaalla Xerada Nuseyraat ee Magaalada Gaza, ugu yaraan 16 qof oo rayid ah una badan Carruur ayaa ku naf weeyay weerarkaas halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 75 kale.

Sida uu baahiyay Teleefishinka Aljazeera, weerarkaan waxaa ka dhashay burbur xooggan oo soo gaaray goobaha kooban ee Dadka barakacayaasha ah ee Naftooda ku badbaadsanayaan maadaama ciidanka Yuhuudda ay dhulka dhigeen guryihii ay degenaayeen.

Waaxda Caafimaadka ee Magaalada Gaza ayaa kusoo warramay in khasaaraha inta la shaacay uu kasii badan karo sabab la xiriirta in duqeymo cusub kolkii dambe ay fuliyeen ciidamada Israaiil iyada oo lagu howlan yahay u gurmashada Dadka.

Diiwaanka Dadka ay dileen Ciidanka waxa ay kor u dhaafayaan 38,000 oo intooda badan sababsaday duqeyn culus oo dhanka Cirka ah kuwaas oo gantaallada waa weyn ee mamnuuca ah si arxan-darro ah ugu beegsanayaan goobaha Rayidku ku badan yihiin.