Xulka ku guulaysta EURO 2024 maxaa lagu qiimeeyay abaalmarinta uu helayo?

0
43

Koobka EURO 2024 ayaa ku dhow in xulalka ay soo gabagabeeyaan tartanka heerka Guruubyada oo maadaama Qaramada qaar ay dheeleen min saddexda kulan ee u qorsheysnaa halka kuwa dhiman ay ciyaari doonnaan maalmaha & saacadaha nagu soo wajahan.

Xiriirka Kubadda Cagta EUFA ayaa abaalmarin siin doonna xulkii ku guulysta Koobkaan oo sanadkaan ugu cadcad yihiin dhowr Xul, mid weliba waxa uu doonayaa in magaciisa lagu qoro oogada sare ee Koobkaan iyo diiwaanka xiriirkaan.

€331 Miylan oo u dhiganta $355 Milyan ayaa gacanta loo gelin doonnaa xulka ku guulaysta Koobka EURO 2024 ee sanadkaan lagu qabanayo Dalka Jarmalka, halka qaran weliba uu lacag ku qaadan doonno booska ama wareegga uu ku haray.

Xulalka & Xiriirka ayaa faaiido wadaag ku noqon doonna lacagaha kasoo gala taageerayaasha tikidhka u jarta kulan weliba, fursadaha ugu badan waxaa heli doonna labada xul ee gaara ilaa kulanka dhammaadka ee midkood uu guuleystaha sanadkaan ku noqon doonna.

Ciyaarta kama dambaysta ah ama finalka ah waa ay ka lacag badnaan doontaa kulamada kale ee heerka guruubyada, wareegyada 16ka & 8 dhammaadka inkasta oo qiimaha uu jaangoyn doonno guddi si gaar ah ugu qaabilsan xiriirka Jarmalka iyo UEFA.