Tirada dadkii sannadkan ku dhintay Xajka oo korortay iyo Sacuudiga oo war soo saaray

0
38

Waxii sii kordhaya tirada dadka ku dhintay sannadkan gudashada waajibaadka Xajka, waxaana dadka dhintay intooda badan la sheegay in ay ahaayeen kuwa aan heysan ruqsada rasmiga ah ee la siiyo xujeyda.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay in tirada dadka ku dhintay sanandkan Xajka kasii bateen intii horey loo shaaciyay, waxa ayna sheegeen in tirada dhimashada hadda gaartay 1,301 qof oo xujey ah.

Dadka geeriyooday oo u badnaa kuwa kasoo jeeda dalka Masar ayaa la sheegay in badankood ahaayeen kuwa aan helin ruqsada xajka ay kusoo gali lahaayeen dhulka Barakeysan, waxaana geerida dadkan sababay iyaga oo lugeeyay xilli cimilada xun tahay.

Dowladad Sacuudiga ayaa sheegtay in dadkan dhintay badankood ay lugeeyeen masaafo aad u dheer xilli uu jiray kuleel daran, mana helin dadkan daryeelka la siinayay dadka kale ee heysta ruqsada xajka ee sannadkan.

Kuleelka Sacuudiga ka jiray sanandkan gaar ahaan waqtigii gudasaha Xajka ayaa gaaray 50 digree, waana mida keentay in dhimashada aad u badato, dadka dhintay badankood ayaana ahaa kuwa lugeenayay oon heysan daryeel caafimaad iyo gaadiid.