Barbarihii Xulka Ingiriiska ay galeen oo buuq xooggan abuuray

0
47

Falcelin meer sare gaartay ayaa ka dhalatay barbardhicii Xulka Qaranka Ingiriiska uu la galay dhiggiisa Denmark Kulan ciyaareedka lugta labaad heerka Guruubyada ee Tartanka Yuuro 2024 oo sanadkaan lagu qabanayo Dalka Jarmalka.

Xulka Ingiriiska oo la hor maray gool isla markaana daqiiqado badan hoggaanka hayay waxaa ka barbareeyay dhiggiisa Denmark waxaana kulankaas uu kusoo dhammaaday min England 1-1 Denmark iyaga oo labada Xul isku dhibco ka noqday dhinaca Guruubka.

Inta badan Xulkaan waxa uu xulalka kale uga duwan yahay waxa uu haystaa dhanka Warbaahinta oo marka uu guul gaaro aad loo buunbuuniyo balse marka laga badiyo ama barbardhac uu galo lagu maadsado.

Sida caadada ah waxaa saacadihii lasoo dhaafay oo dhan aad loo buunbuuninayaa garab-dhacaas uu Xulka Ingiriiska ku lumiyay 2 dhibcood oo uu kusii xaqiijin karay in uu hoggaamiyaha Guruubka noqda isla markaana waqti hore sii xaqiiqsado in uu qaanaddaas kasoo baxay.

Ciyaartoy badan oo horay usoo xirtay funaanadda Xulkaan ayaa dhaliilay qaab ciyaareedka macallinka Ingiriiska xiligaan maamula ee Gareth Southgate waxaana ay ku eedeeyeen in si indha la’aan ah uu kulankaas u wajahay Denmark.

Midba ciyaaryahan ayuu dhaliilay oo waxa uu sheegay in uusan waxba ka hayn Garoonka, Macallin Southgate oo hadlay kulankaas kaddib ayaa sheegay in uu wax badan ka baddeli doonno khaladaadka ka dhacay intii ciyaartu socotay.