Sacuudiga oo soo bandhigay Basaska loogu talagalay in loogu adeego Xujayda

0
37

Basaska loogu talagalay in lagu qaado Xujayda sanadkaan gudanaysa Rukniga Shanaad ee Arkaanta Islaamka ayaa la diyaariyay iyada oo xubnaha ku shaqada leh ee Wasaaradda Diinta & Arrimaha Xajka ay ka qaybgashay munaasabad lagu soo bandhigay Gaadiidkaas.

Gawaaridaan ayaa loogu talagalay in lagu daabulo ama lagu qaado Xujayda waxaana wadayaasha la faray in ay raacaan habraaca loogu dadejiyo isla markaana uu xooganaado xiriirka dhexdooda ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Wakaaladda Wararka u faafisa Sacuudiga ee loosoo gaabiyo SPA ayaa soo bandhigtay Sawirro laga qaaday Basaskaan oo la isugu keenay goob waana meesha ay ka billaabayaan safarkooda qaadista Xujayda sida hadalka loo dhigay.

Shaqooyinka ugu badan waxa ay Basaskaan billaabayaan Maalin kaddib waxaana lagu qaadi doonnaa Dadka haysta kaararka Casriga ah ee sanadkaan ay soo kordhisay Boqortooyada Sacuudiga si loo kala garto Xaajiga dhabbaha saxan ku yimid & qofka sida qarsoodiga ah kusoo galay.

Dadka waxaa laga soo qaadi doonnaa Goobaha ay degen yihiin iyada oo la gaynayo meelaha loogu talagalay in ay maraan ama ay tagaan, Wadayaasha Gaadiidkaan waxyaabaha la tusiyay waxaa kamid ah in ay ka feejignaadaan Saxmad weliba oo dhalan karta.

Sidoo kale waxaa wadayaasha la faray in ay socodkooda inta ay ku guda-jiraan ka feejignaadaan waddooyinka maadaama ay jiraan Dad lugaynaya oo isu diiwaangeliyay in ay cagaha maalaan kuna tagaan meelaha xaajiga uu marayo.