Dad Salaad Taraawiix ah ku dukanayay Hotel oo la weeraray iyo khasaaro ka dhashay

0
99

Arday Muslimiin ah ayaa lagu weeraray hotel Jaamacdeed ay degnaayeen oo kuyaalla dalka Hindiya, xilli ardaydaasi ay meel gaar ah ku dukanayaeen salaada taraawiixda, waxaana weerarka ardayda lagu qaaday ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah.

Booliiska dalka Hindiya ayaa xabsiga u taxaabay dhallinyaro ku eedeysan in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday arday Muslimiinta ah ee dukanayay salaada Taraawiixda, waxa ayna booliiska wali wadaan baaritaanka sida weerarkaasi u dhacay.

Weerarka lagu qaaday ardayda Muslimiinta ah ayaa ka dhacay jaamacadda Gujarat ee kutaalla galbeedka dalka Hindiya, waxaana weerarkaasi dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray shan arday oo u badan kuwa kasoo jeeda dalka Afganistan.

GS Malik oo ah taliyaha booliska magaalada Ahmedabad ayaa warbaahinta u sheegay in arday Hindiya u dhalatay ay galeen goobtii ay ku dukanayeen ardayda Muslimiinta ah, waxa uuna xusay in dood kaddib halkaasi ka bilaabeen in ay weeraraan ardayda.

“Salaada ay goobta katirsan hotelka ku dukanayeen ayey ku murmeen, gacan qaad iyo dhagax-tuur ayaa dhacay, sidoo kale waxay burburiyeen qolalkii ay ku noolaayeen ardayda,” ayuu yiri taliye Malik.

Weerarka ayaa waxaa qaaday koox Hinduu ah oo la tuhmayo in ay ku xiran yihiin siyaasiyiin mayal adag ah, waxa ayna kooxdan bur bur xooggan u geesteen qolalkii ay degnaayeen ardayda muslimiinta ahaa, baabuur iyo dhismayaal dhowr ah.

Arday u dhashay Afganistan oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarka ayaa sheegay in iyaga oo dukanaya salaada Taraawiixda usoo galeen saddex nin, waxa uuna xusay in dood kaddib raggaasi ay soo wateen rag kale oo badan laguna bilaabay weerarka.

“Muran baa ka dhashay, waxayna la soo noqdeen dad tiro badan oo ku hubeysan dhagxaan, iyo tuubooyin bir ah, way na soo weerareen, waxay weerar ku qaadeen hoteelka, iyagoo ardaydii qolkooda ku weeraray oo gudaha ugu galay, hanti iyo gaadiidna khasaare badan u geystay,” ayuu yiri ardayga reer Afganistan.

Ardayda Muslimiinta ah ee wax ka barta jaamacadda weerarka ka dhacay ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xooggan, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay wadaan howlgalo lagu soo xirayo dad kale oo lagu tuhmayo in weerarka ku lug lahaayeen.