Dowlada Soomaaliya oo Shidaalka Soomaaliya Ku wareejisay Turkiga

0
140

Soomaaliya ayaa maanta dawladda Turkiga ku wareejisay galka Shidaalka ee Soomaaliya, waxayna Turkigu usaxiixday Heshiis awood u siinaya, in ay noqon karaan cida wada xaajoodyada ka gasha, Iib-geysa ama soo saarta kheyraadka Soomaaliya, gaar ahaana Shidaalka.

Wasiiradda Tamarta & Patroolka labada dal ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiskan, oo maalmihii lasoo dhaafay diyaarintiisu socotay, waxaana uu qeyb kanoqonayaa Heshiisyada dhaqaale ee maalmihii u dambeeyey dhexmarayay Ankara & Muqdisho.