Isbadal Lagu Sameenayo Magaca Loogu Yeedho Madaxda Ugu Sareysa Maamul Goboleedyada Dalka Somaliya

0
89

Isbadal Lagu Sameenayo Magaca Loogu Yeedho Madaxda Ugu Sareysa Maamul Goboleedyada Dalka Somaliya

Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa guda galay wax ka beddelaka dhowr cutub oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo isbeddel lagu sameynayo. Qodobada la soo jeediyay in wax laga badalayo dastuurka Soomaaliya waxaa ka mid ah qodobka 51-aad.

Halkii ay ka aheyd in ay leeyihiin dowlad goboleedyada Somaaliya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayaa soo jeedinta hadda waxaa ku jira in loo badalo hoggaamiye iyo hoggaamiye ku xigeen.

Marka laga hadlayo xilalka madaxda ugu sarreysa dowlad goboleedyada iyo kan dowladda federaalka, hadii aadan maqal magaca qofka ama sharaxaad kale, kalama garaneysid sababtoo ah hal magac ayey wadaagaan.

Tani waa soo jeedin, weli si rasmi ah waxba looma badalin. Baarlamaanka ayaa dood ka yeelanaya taas soconeysaa ilaa iyo 19-ka bishan Febraayo.

Waa sidee aragtida dowlad goboleedyada?
Mid ka mid wasiirada dowlad goboleedyada oo oo nala hadlay kana gaabsaday inuu ka hadlo ayaa si kooban u yiri “Waxaan aniga ayaaba ku wareernay, waana fiican tahay in la kala leexiyo”.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug, Faadumo Cabdi Cali Faandhe, oo aan weydiinay sida ay u aragto waxay tiri. “Shalay waa naloo sameeyay magacyadan, anaga ma dooran, waxna nalagama weydiin in naloogu yeero madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen balse maanta fursad ayaan haysanaa”.

Waxay kaloo Faadumo sheegtay in magac oo la badalo aysan wax weyn aheyn “Magaca laguu bixiyay markii aad dhalatay hadii aadan ku qanacsaneyn waad iska badali kartaa, waxaa aan ku qanacsaneyna waa sidaas oo kale”. Waxay sheegtay in ay is-weydiiso sida dareenka madaxda noqonaya marka ay isla joogaan oo loogu yeero hal magac oo ah madaxweyne.

“Marka madaxweynayaasha dowlad  goboleedyada iyo madaxweynaha dowladda federaalka oo isla jooga loogu yeero madaxweyne sidee bay dareemayaan kuligood”.