Ururka Jaamacadda Carabta oo maanta kulan degdeg ah ka yeelanaya Xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya.

0
56
Flags are seen ahead of the Arab League Summit in Algiers, Algeria November 1, 2022. REUTERS/Ramzi Boudina

Ururka Jaamacadda Carabta oo maanta kulan degdeg ah ka yeelanaya Xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya.

Kulan ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga ayuu maanta Ururka Jaamacadda Carabta ka yeelanayaa xadgudubka ay Itoobiya ku samaysay Madaxbannaanida, Wadajirka & damaceeda gurracan ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Hossam Zaki ayaa sheegay in shirkaan oo dhacaya maanta oo Arbaco ah 17ka Janaayo 2024 looga arrinsanayo khilaafka & xiisadda salkeedu yahay xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhowr dhinac ka fiirinaya tallaabooyinka iska soo horjeeda ee Muqdisho iyo Addis Ababa ay wadaan, go’aanka adag Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay damaca gurracan ee Itoobiya & hadallada kulkulul ee la is dhaafsaday.

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u codeeyay qaraar lagu burinayo heshiis-ku sheeggii Itoobiya & Maamulka Somaliland ay shaaciyeen 1dii Janaayo 2024 kaas oo meel ka dhac wayn ku ah wadajirka & madaxbannaanida Dhuleed ee Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gudbisay dacwad ka dhan ah Itoobiya waxaana garab istaag u muujiyay Dowlado, Ururro iyo dhinacyo kala duwan oo dhammaantood sheegay in waajib uu yahay ilaalinta madaxbannaanida & wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya.

La soco wixii kasoo kordha.