Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay Jamhuuriyadda Jabuuti.

0
128

Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirkii Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul-Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya allaha u naxariistee ayaa goordhow ku geeriyootay Jamhuuriyadda Jabuuti oo la sheegay in ay qalliin ku gashay.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, waxa ay Marxuumadda adeeg caafimaad u aadday Jamhuuriyadda Jabuuti kaddib markii uu xannuun ku qabtay Magaalada Baydhabo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Markii uu xannuunkeeda sii darsaday ayaa la qorsheeyay in loo qaado Dalka Turkiga balse waxa ay ku geeriyootay Jamhuuriyadda Jabuuti sidaasi waxa ay Mustaqbal kasoo xigatay ilo kala duwan oo si dhow uga warqabay Xaaladdeeda.

Marxuumad Khadiija ayaa muddo ka badan 22-sano waxa ay ahayd Xildhibaanad katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyada oo soo qabatay xilal kala duwan sida Wasaaradaha Cayaaraha, Gargaarka & Haweenka.

Madaxda kala duwan oo Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada katirsan ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AHUN Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye iyaga oo alle ugu baryay in uu u naxariisto.