Xuutiyiinta oo Israel ku duqeeyey Diyaaradaha Drooniska Is-qarxinta ee Kamikaze

0
72

Xuutiyiinta oo Israel ku duqeeyey Diyaaradaha Drooniska Is-qarxinta ee Kamikaze

Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa garab istaag muuqda u muujisay walaalaha Falastiin ee duullaanka ku qaadeen ciidamada Isreal, waxa ayna Xuutiyiinta furin kale oo dagaal ku fureen maamulka Isreal.

Ciidamada Xuutiyiinta ayaa weeraro loo adeegsaday diyaaradaha nuuca aan duuliyaha laheyn gaar ahaan kuwa is-qarxinta ee loo yaqaan Kamikaze ku weeraray Isreal, waxa ay sidoo kale Xuutiyiinta xermooyin gantaalo ah ku garaaceen dhinaca Isreal.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Sareeye Guuto Yusuf Sariic ayaa sheegay inay diyaaradaha Kamikaze gantaalo culus la beegsadeen Isreal, waxa uuna xusay in ay weerareen goobo bartilmaameed ah oo kuyaalla gudaha Israel.

Yusuf Sariic ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu taageerayo walaalaha Reer Falastiin, isla markaana ay Israel joojinayaan duqeymaha diyaaradaha ee ay ku hayaan magaalladda Qasa ee go’doonsan.

Isreal ayaa ka cabsi qabta in ay ku furmaan furumo badan oo dagaal ,xilli ay wali la hardadayaan kooxda Xamaas ee maamusha Gaza, waxa ay Isreal horey furumo uga furnaayeen xadka Lubnaan iyo sidoo kale dhinaca Syria, waxaana hadda kusoo biiray Xuutiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here