QM oo sheegtay in maamulka SSC-Khaatumo aysan u aqoonsaneen Dowlad Gobaleed

0
103
Catriona Laing, Special Representative of the Secretary-General for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia, briefs the Security Council meeting on the situation in Somalia.

QM oo sheegtay in maamulka SSC-Khaatumo aysan u aqoonsaneen Dowlad Gobaleed

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay aysan maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsaneen maamul gobaleed.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, oo todobaadkaan gudihiis wareysi siisay Mustaqbal Media ayaa sheegtay in aqoonsiga SSC-Khaatumo uu yaalo dowladda Soomaaliya.

“Dabcan Qaramada Midoobay si toos ah uma aqoonsana Maamul Gobaleed, waxa uu go’aankaas u yaala dowlada Soomaaliya, aniga sidaa u fahme ayaa ah in aan loo aqoonsan maamul gaar ah,” sida ay hadalka u dhigtay Catriona Laing oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here