Agaasimihii hore ee CIA-da oo ka digay in Israaiil ay la kulmi doonaan wax ka daran wixii Maraykanku kula kulmay Muqdisho 1993.

0
71

Agaasimihii hore ee CIA-da oo ka digay in Israaiil ay la kulmi doonaan wax ka daran wixii Maraykanku kula kulmay Muqdisho 1993.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da sidoo kalena soo noqday Janankii ugu sarreeyay Ciidamada Mareykanka ee Dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan David Petraeus ayaa si qoto dheer uga xog-warramay weerarkii Falastiin ay gudaha ugu gashay Israaiil 7dii Oktoobar 2023.

David Petraeus ayaa sheegay in xaqiiqdii aanay indhaha laga daboolan karin weerarkaas argagaxa ku riday Israaiil & Xulufadeeda kaddib markii baraha Bulshada lagu baahiyay Muuqaallada laga soo duubay duullaankaas Falastiin ku beegsatay Saldhigyada, Magaalooyinka iyo xarumaha Muhiimka ah.

Weerarkaas isaga oo ka tusaale qaadanaya ayuu Agaasimihii Hore ee CIA-da waxa uu sheegay in Ciidanka Israaiil ay la kulmi karaan jab lamid ah kii Mareykanka ku gaaray Soomaaliya sanadkii 1993dii oo ilaa maanta aad looga sheekeeyo.

Hadalkiisa ayuu ku xoojiyay Isku xirnaanta Dhinacyada Weerarka qaaday, sida loo qorsheeyay, qaabkii ay uga duseen Xeendaabka adag ee lagu gedaamay Gaadiidka qafilan ee Taankiyada loo yaqaan ee Israaiil ku jiifaneysay in aanay si fudud looga soo gudbi karin balse riyadaas ay beenowday 7dii Bishaan.

David Petraeus oo ka hadlay Barnaamijka POLITICO’s Power Play, waxa uu carrabka ku adkeeyay in Ciidanka Yuhuudda ay soo foodsaartay cabsi lamid ah middii ay la kulmeen ciidamadii Ameerikaanka ahaa ee Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho dhibaatadu lagu gaarsiiyay 1993dii.

Xiligaas ayuu sheegay in Ciidanka Ameerikaanka in ay ku jirtay qabweyni la xiriirta hubka iyo waxyaabihii ciidan ay wateen oo ay aaminsanayeen in ay wax weliba uga hortagi karaan balse hadalkaas uu noqday Hal bacaad lagu lisay.

Ciidamada Israaiil ayuu uga digay in ay duulaan dhulka ah ku qaadaan Falastiin isaga oo taasi ku tilmaamay arrin xaaladda si degdeg u baddeli karto sida uu yiri “Wuxuu si degdeg ah isugu badali karaa xaaladii Muqdisho oo weliba daroogaysan”.

Israaiil waxa ay jab xooggan kala kulantay weerarkii Falastiin ku qaaday 7dii Oktoobar 2023, sidoo kale cambaareyn iyo culus kale ayay ka dhaxashay duqeymihii arxan-darrada ahaa ee ay geysatay halka xasuuq bani aadamnimada ka fog kula kacday Dad ku sugan Isbitaalka Al-Ahli Baptist ee Magaalada Gaza kaddib markii maalin qura ay nafta dhaafisay in ka badan 500 oo ruux oo dhammaantood shacab ah kuwaas oo u badnaa Haween, Carruur & Dad da’ ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here