Karim Benzema oo Maxkamad la koraya Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska.

0
102

Cayaaryahanka Muslimka ah ee Dhalashada ka qaatay Faransiiska ee Karim Benzema oo si caro ku dheehan tahay uga carooday hadalladii aan loo meel dayin ee eedaha u badnaa ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska ayaa sheegay in uu Maxkamad la korayo Wasiirkaas.

Benzema ayaa tilmaamay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska uu ka doonayo Caddeymaha eedahaas uu u jeediyay oo ah ‘in uu xiriir la leeyahay ama uu taageero Ikhwaanul-Muslimiin’ balse cayaaryahankaan uu iska fogeeyay arrintaan.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka X ayuu ku sheegay in uusan dhayalsan doonin eedahaas culus ee aan waxba ka jirin ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska uga yimid Ninka lagu magacaabo Gérald Darmanin.

Karim Benzema ayaa sheegay in uu taageerista Falastiin aanay dambi ahayn balse faldambiyeed wayn uu yahay dhibaatada loo geystay Shacabka Dulman ee Falastiiniyiinta ee hubka culus lagu garaacay weliba Guryahooda iyo goobaha Caafimaadka, Waxbarashada & xeryaha barakaca.

In Carruur & Haween la laayo oo qofkii damiir leh oo ka damqado dusha laga saaro eedo aanay waxba ka jirin ayuu ku tilmaamay Karim Benzema in ay niyad dil u tahay Shacabka dulman ee Falastiiniyiinta sida uu hadalka u dhigay.

Qareenka Karim Benzema oo lagu magacaabo Hugues Vigier oo wax laga weydiiyay eedaha loo jeediyay Muwakilkiisa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in eedahaas oo waxa uu sheegay in loo baahan yahay caddeymaha uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska la tegi doonno Maxkamadda kiiskaan loo dhiibayo.

Cayaartoy kooban oo Muslimiin ah ayaa ka falceliyay xasuuqa Israaiil ay ka geysaneyso Dhulka Falastiin, waxaana kamid ah Karim Benzema, Mohamed Salah, Mohamed Elney iyo kuwo kale oo dhammaantood garab istaagay Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here