Golaha Ammaanka ee QM oo maanta yeelanaya kulan looga ka hadlaya xaaladda Soomaaliya

0
76
A general view during a meeting of the United Nations Security Council on the conflict between Israel and Hamas at U.N. headquarters in New York, U.S., October 16, 2023. REUTERS/Andrew Kelly

Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa galabta xilliga Muqdisho 5:00 PM lagu wadaa in Golaha Ammaanka ay kulan yeeshaan, kaas oo ay uga hadlayaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa la filayaa in ay qudbad ka jeediso Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, oo muddooyinkii ugu dambeeyey safaro ku kala tagtay qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka.

Catriona Laing ayaa ka hadli doonta xaaladdii ugu dambeysay ee Magaalada Laascaanood iyada oo horanta bishaan ay booqasho ku tagtay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, xilli ay halkaas kula kulantay Madaxweyne Muuse Bixi iyo qaar ka mid ah hoggaamiyaasha xisbiyada mucaaradka.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadli doona xaaladdii ugu dambeysay ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo dhawaan wajigiisa labaad ka bilaaban rabo deegaanada Koonfur Galbeed halkaas uu hadda booqasha ku jooga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here