Qaramada Midoobay Oo Loo Gudbiyay Dad Dambiyo Dagaal Ka Geystay Laas-Caanood

0
139

Qaramada Midoobay Oo Loo Gudbiyay Dad Dambiyo Dagaal Ka Geystay Laas-Caanood

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo war cusub ka soo saaray xaalada magaalada Laascaanood, ayaa sheegey in loo gudbiyey shaqsiyaad ku lug leh dembiyo dagaal oo ay ku jiraan, dilka dumar iyo carruur, beegsiga xarumaha bulshada, iyo denbiyo kale.

Golaha wuxuu Dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha ka howlgala dalka ugu baaqay in ay gargaar bin’adannimo iyo gobolka Sool, sidoo kalena la baaro waxyeellada laga geystaydadka rayidka ah .

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa hore waxaa uga dhacay dagaalo khasaare dhimasho iyo dhawac sababay oo u dhexeeyay Ciidamada Soomalailand iyo kuwa degaanka ee SSC waxaanaa bar bar socday duqaymo loo geystay goobaaha dadka rayidka & Xarumo Caafimaad ee Halkaas ku yaala inkastoo ay ka soo kabaneyso oo hadda Maamulka SSC ay ku guuleystaaan in Nidaamkii & kala dambeeyntii Magaalada ay soo Celiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here