Khasaare kala duwan oo ka dhashay duqeyn ka dhacday magaalooyin ka tirsan gobolka Jubbada dhexe

0
158

Khasaare kala duwan oo ka dhashay duqeyn ka dhacday magaalooyin ka tirsan gobolka Jubbada dhexe

Duqeyn xagga cirka ah ayaa Xalay illaa Saaka lagu qaaday Maagaalooyinka kala ah Jilib, Saakow iyo Bu’aale oo ka tirsan dowlad gobaleedka Jubbland.

Dad ku sugan Jilib ayaa laga soo xigtay in illaa afar gantaal lagu dhuftay dhawr xafaadood oo magaalada ka tirsan. Mid kamid ah gantaalladaasi ayaa ku dhacay xarunta shirkadda korontada siisa Jilib, waxana ku dhintay qof ka tirsanaa shaqaallaha shirkadda.

Dad ku sugan Saakow ayaa iyana laga soo xigtay in ay maqleen illaa afar gantaal oo ku dhacday magaalada, in kastoo ay sheegeen in aanay guryahooda ka bixin, isla markaana aanay garanayn halka bartilmaameedku ahaa iyo khasaarraha ka dhashay.

Magaalada madaxda Gobolka Jubada dhexe ee Bu’aale ayaa iyana la soo weriyay in illaa afar gantaal lagu weerarray, xog badanse lagama hayo khasarraha ay gaysteen, xilli halkaas ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Duqeyntaan ayaa waxaa fuliyey Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Soomaaliyada, iyada oo warka lagu sii sheegay in duqeynta lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here