Diyaaradda Egypt Air oo joojisay duullimaadkii Qaahira & Tel Aviv.

0
160

Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Masar ee Egypt Air ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay duullimaadkii joogtada ahaa ee Qaahira oo ah caasimadda Dalkaas iyo Magaalada Tel Aviv kaddib markii uu saameyn taban ku reebay dagaalka & duqeynta u dhaxeysa Falastiin iyo Israaiil.

Sarkaal katirsan Maamulka Shirkadda Egypt Air ayaa Wakaaladda Wararka AP u sheegay in ay joojiyeen ilaa amar dambe duullimaadkii Cairo International Airport ilaa Ben Gurion International Airport sabab ka dhalatay dagaallada Falastiin & Israaiil ka dhex jira.

Waxaa baaqday dad badan oo tikid horay u jartay halka rakaab kale ay ku xayiran yihiin Magaalada Tel Aviv kuwaas oo lagu wargeliyay in duullimaadka shirkadda Egpyt Air la joojiyay ilaa amar dambe.

Wixii ka dambeeyay Weerarkii Falastiin ay ku qaaday Israaiil 7dii Oktoobar 2023 xaalado wajiyo badan ayaa ka dhashay dagaalkaas sida in cabsi laga muujiyo isu socodka Dadka ku sugan Magaalada Gaza iyo Magaalooyin kale.

Dalalka Reer Galbeedka ee u janjeera dhinaca Israaiil ayaa muwaadiniintooda ugu baaqay in ay sameeyaan xaalado feejignaan ah si aanay waxyeello uga soo gaarin dagaallada iyo duqeymaha galay maalintii saddexaad oo xiriir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here