Gantaallo ku hoobtay Koofurta Israaiil oo sababay dhimasho & dhaawac.

0
175
TOPSHOTS Smoke rises from buildings following an Israeli air strike on Gaza City on August 20, 2014. Israeli warplanes pounded Gaza as furious mourners buried the wife and child of Hamas's top military commander, baying for revenge as nine days of calm exploded into bloodshed. AFP PHOTO / MAHMUD HAMS

Gantaallo ku hoobtay Koofurta Israaiil oo sababay dhimasho & dhaawac.

Ku dhowaad 20 Gantaal oo la rumeysan yahay in laga tuuray Marinta Qaza ayaa ku dhacay Koofurta Israaiil gaar ahaan aagga Magaalada Tel Aviv sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo la hadlay Warbaahinta Gudaha & tan dibadda.

Gantaalladaas waxaa ka dhashay dhimashada ugu yaraan hal qof iyo dhaawaca in ka badan labo ruux waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaas ka kordho maadaama gantaalladu ay ku dhaceen goobo kala duwan.

La maqlayay dhawaqa digniinta ah ee Wiishashka qayliya marka ay arkaan gantaallada soo gudbaya waxaana xigay in goobaha loo arko in ay yihiin kuwa Gabbaadka noqon kara oo isugu tageen Dadkii ka dhawaa agagaarka halka duqeyntu ku dhacday.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxda ammanka lagu wado in ay kulmaan si ay uga arrinsadaan duqeyntaan xooggan ee saakay lagu weeraray Magaalada Tel Avis sida hadalka loo dhigay.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda gantaalladaan lagu duqeeyay Koofurta Israaiil waxaana ka dhalatay hadal heyn badan oo la xiriirta dib usoo cusboonaashiyaha weerarrada dhanka cirka ah ee Falastiin iyo Israaiil.

La soco wixii kasoo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here