Dab khasaare kala duwan geystay oo ka kacay Magaalada Jowhar

0
94

Dab khasaare kala duwan geystay ayaa xalay saq dhexe ka kacay, Suuqa xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar oo ah xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in dabka uu ka kacay foorno lagu dubo buskudka iyo xalwada oo kutiil dhanka koofur ee Suuqa Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar.

Isku dayo ay sameeyeen ganacsatada Suuqa iyo dadka deegaanka, ayaa markii dambe waxa ay ku guuleysteen in ay damiyaan dabka, walow aan weli la sheegin khasaaraha rasmiga uu ka geystay dabka.

Maamulka Magaalada Jawhar iyo kan Hirshabeelle weli kama hadlin dabkaan ka kacay Suuqa Xaafadda Hanti-wadaag ee Magaalada Jowhar oo ah Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Sidaan oo kale August 28, 2023 waxaa dab ugu kacay isla suuqaan Hanti-wadaag iyada oo xilligaas ay ku basbeeleen qaar ka mid ah ganacsiga Suuqaa.

Xilligaas Ganacsatada oo la hadashay warbaahinta ayaa maamulka Magaalada gobolka iyo kan Dawlad Gobaleed Hirshabeelle ugu baaqay in ay u keenaan dab damis, taas oo ay sheegeen in Magaalada aysan oo lin gawaarida gurmadka degdega ah gaar ahaan kuwa lagu dambiyo dabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here