DEG DEG : Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Maqaayad kutaalla Muqdisho

0
152

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Maqaayad kutaalla Muqdisho

Qarax is-miidaamin ah uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa galabta ka dhacay maqaayad lagu shaaho oo lagu magacaabo Baar Bulsho, maqaayadan ayaana ku taalla degmada Howl-wadaag gaar ahaan agagaarka isgooska Sayidka.

Sida aan wararka ku heleyno maqaayada qaraxa ka dhacay ayaa inta badan waxaa fariisan jiray ciidamo katirsan dowladda iyo sidoo kale dhallinyaro shacab ah, waxaana xilliga uu qaraxu dhacayay goobtaasi ku sugnaa dad badan.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Sadiiq Doodisho ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa is-miidaaminta ah ay ku dhinteen 5-qof halka ay ku dhaawacmeen 6-qof oo kale, dadka dhintay ayuuna sheegay afhayeenka in ay ahaayeen dad shacab ah.

Waxa uu sheegay afhayeenka booliiska in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaanno ku aadan qaraxa goobta ka dhacay iyo sidoo kale qofka fuliyay, waxa uuna sheegay in dadkii goobta waxyeelada kasoo gaartay ciidamada u gurmadeen.

Qaraxa is-miidaaminta ah ayaa galabta ka dhacay goob si weyn ammaankeeda loo adkeeyo, waxaana qaraxa fuliyay oo dadkii maqaayada fadhiyay dhax galay nin dhallinyaro ah oo dadka qaar sheegeen in uu jaad cunayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here