Pakistan: Ugu yaraan 50 ruux oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Goob lagu maamuusayay dhalashada Nabi Muxamed NNKH.

0
122

Pakistan: Ugu yaraan 50 ruux oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Goob lagu maamuusayay dhalashada Nabi Muxamed NNKH.

Qarax ka dhacay Dalka Pakistan gaar ahaan Gobolka Dhaca Koofur-Galbeed ee lagu magacaabo Bolochistan waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 ruux halka ay dhaawacmeen tiro kale sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Booliiska oo u xog-warramay Warbaahinta.

Qaraxaan waxa uu ka dhacay Masjid ay ku sugnaayeen Dad isugu soo baxay xuska dhalashada Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee (NNKH) waxaana dadkii badbaaday la geeyay goob gaar ah.

Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa ayaa la sheegay in uu fuliyay weerarkaas galaaftay ugu yaraan 50 qof waxaana ku socda baaris lagu ogaanayo hiddesidaha qofkaas qaraxa geystay ee dhimashada iyo dhaawaca badan sababay.

Qaar kamid ah Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxa markii uu dhacayay kahor goobta ay isugu yimaadeen dadkaan katirsan Duruqada Suufiyada ee xuska dhalashada Nabi Muxamed NNKH sameynayay.

Qaraxaan ka dhacay Pakistan weli ma jirto cid si dhab ah u sheegatay mas’uuliyadiisa, waxaana loo badinayaa in ay geysteen kooxaha kasoo horjeeda Dowladda oo dhowr jeer sidaan oo kale qaraxyo khasaara badan geystay fuliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here