Askari fududeeyay Qaraxii ka dhacay Baledweyne oo la qabtay iyo dad kale oo waaran loo jaray

0
140

Askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa loo xiray in uu fududeeyay qarax ismiidaamin ah oo maalmo kahor ka dhacay magaalada Baledweyne, kaa oo galaaftay nolosha dad aad u badan .

Taliyaha ciidanka Booliiska degmada Baledweyne Axmed Cali Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada booliiska soo xireen askari lagu tuhmayo in uu fududeeyay qaraxa, waxa uuna sheegay in askarigaasi gaariga qarxay kasoo daayay koontaroolka.

Waxa uu sheegay taliyaha in askariga hadda ay ku socdaan baaritaanno ku aadan sababta uu gaarigaasi usoo daayay, waxa uuna xusay in askariga u gudbin doonaan laamaha caddaaladda si loo marsiiyo ciqaabta dambiga uu ku eedeysan yahay.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in booliiska ku daba jiraan rag kale oo la tuhmayo in gaariga qaraxa siday magaalada soo galiyeen, waxa uuna xusay in ay jiraan rag waaran loo jaray oo booliiska baadi-goob ugu jiraan.

Qaraxii ka dhacay magaalada Baledweyne ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 30-qof oo u badnaa dad shacab ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan oo wali qaarkood ku jiraan isbitaalo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here