Muxuu yahay casharka uu Mareykanka ka bartay weerarkii 11-ka September 2001?

0
75

11-kii September 2001-dii, weerar loo adeegsaday diyaarado la afduubtay ayaa lagu burburiyay Daarihii ganacsiga ee mataanaha ahaa New York & Washington, waxaa ku dhintay (2,977) ruux oo ah dadkii ku sugnaa goobta & 19-ruux oo ah xubnihii weerarkaas fuliyay.

Mareykanka waxa ay dhacdadaas ku reebtay xusuus aan wanaagsaneen, waxa uu ku dhaqaaqay in uu ka cad-goosto dad uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyay isaga oo ku duullay Afghanistan oo xuddun u ahayd Madaxda Alqaacida oo weerarkaas sheegtay.

Qoysaska dadka ku dhintay, ku dhaawacmay iyo kuwa ku hanti beelay weerarkaas ayaa Maamulkii xiligaas culeys ku saaray in uu bixiyo jawaab loo qaateyn ah maadaama waqtigaas Mareykanka uu ku faanayay in uu heysto qalab kahortagi kara khatar intaas gaarsiisan.

Labo sanno kaddib 20-kii Maarso 2003-dii, Mareykanka ayaa weeraray Ciraaq oo uu xukunka heystay Madaxweyne Saddaam Xuseen, khasaare xooggan ayaa gaaray xulufadii Ameerikaanka halka ay burburiyeen Dowladdii dalkaas ka jirtay.

Mareykanka ayaa xayiray Bangiyo caalami ah, Hay’ado kala duwan, isu socodka shakhsiyaadka qaar oo uu ku diray Liiska waxa uu ugu yeeray “Argagixisada” ayuu sameeyay, si uu waji kale ugu yeello dhaawaca xooggan ee soo gaaray.

Joe Biden Madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka oo ka hadlay dhacdadaan xusuusta ku reebtay Dalkiisa ayaa soo jeediyay in aanay laga maarmin “Isku-duubnaan Bulsheed” si looga feejignaado dhacdooyin lamid ah 11-kii September 2001.

“Ani ahaan, waa in aan cashir ka qaadanaa dhacdadii 11ka September, in aan dhexda u xiranaa sidii loo wiiqi lahaa waxkasta oo dhibaato nagu ah, muhiimaddu waa in aan midnimo xooggan sameynaa, Midnimadu micnaheedu ma aha in aan isku aragni nahay, isku wax rumeysanahay balse waa in aan ka sal-gaarnaa ilaalinta qarankeenna” ayuu yiri Joe Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here