Dadka ku dhintay Dhul-gariirka Morooko ku dhuftay oo kor u dhaafay 632 ruux.

0
86

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya saacadba saacadda ka dambeysa dhul-gariirka xooggiisa lagu sheegay 6.8 Magnitude ee ku dhuftay Dalka Morooko ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika iyada oo dad badan weli baadi-goobkooda lagu howlan yahay.

Dadka dhintay waxa ay gaarayaan ugu yaraan 632 ruux, waa suuragal in tiradu intaas ka kororto daqiiqad & saacad weliba maadaama weli la raadinayo dad kale oo looga shakisan yahay in ay ku hoos jiraan dhismaha dumay.

Dhul-gariirkaan ayaa saameyn taban ku reebay dhul baaxad weyn oo dhaca Magaalada Maraakish oo ah Magaalada 4aad ee ugu weyn Dalka Morooko ee Waqooyiga Qaaradda Afrika waxaana weli socda howlaha gurmadka ah.

Ugu yaraan Dadka dhaawaca soo gaaray ee goobaha caafimaadka la dhigay waa 320 ruux kuwaas oo isugu jira Dad jab kasoo gaaray dhagaxaanta dhismaha dumay iyo kuwo u baahday neefta macmalka ah kaddib markii ay qabatimeen.

Qaar kamid ah Dadka lasoo badbaadiyay ayaa dib u dejin kooban loo sameeyay, waxaana la isugu geeyay goobo loogu talagalay in si Kumeel-gaar ah ay usii degaan goobahaas ilaa inta dib u dhis guryahooda loogu sameynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here