Boqorka Zulu Amiir Mangosuthu Buthelezi oo geeriyooday isaga oo jira 95 sano.

0
73

Boqorka Zulu Amiir Mangosuthu Buthelezi oo 27dii Agoosto u dabbaal-degay dhalashiisa 95aad ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday, hadalkaan waxaa warbaahinta Qaranka Koofur Afrika ka sheegay Madaxweynaha Dalkaas Cyril Ramaphosa oo gutay waajibka tacsida.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa tilmaamay in Amiir Buthelezi uu ahaa udub-dhexaadka boqortooyada Zulu oo miisaan culus ku leh Dalka Koofur Afrika sidaas awgeed waqtiga la aasayo dib laga soo shaacinayo maadaama guddi loo xilsaaray.

Waxa uu ku sifeeyay nin isku xira bulshada uu hoggaamiyaha u ahaa, xusuusta Zulu ayuu sheegay in aanay marnaba ka go’I doonin muddada uu guddoonka u ahaa loona sameyn doonno hab maamuuska uu mudan yahay.

“Waxa aan aad uga xumahay in aan ku dhawaaqo geerida Amiir Mangosuthu Buthelezi, nafteyda iyo dhammaanteen waxa aan isaga tacsiyeyneynaa geeridaas taabatay quluubteenna, waxa uu ahaa hoggaamiye heersare ah oo soo maray siyaasad & dhaqanka qarankeenna oo ay ku jiraan halgankii xornimo-doonka iyo arrimo kale” ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa.

Koofur Afrika ayaa baroordiiq galeysa iyada oo lagu wado in dalkaas ay tagaan madax & mas’uuliyiin kala duwan oo dhammaan ka qaybgalaya munaasabadda aaska ah ee loo sameynayo Amiirka Zulu ee geeriyooday.

La soco wixii kasoo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here