Askari loo haysto kiis argagixiso ah oo ka baxsaday xabsi ku yaala London iyo baadigoob socda

0
215

Askari loo haysto kiis argagixiso ah oo ka baxsaday xabsi ku yaala London iyo baadigoob socda

Ciidamada booliiska dalka Ingiriiska ayaa wada howlgalo ay ku baadigoobayaan askari loo heestay falal argagaxiso, kaa oo Arbacadii shalay ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa oo kuyaalla magaalada London.

Daniel Abed Khalife oo ah 21-sanno jir horey uga tirsanaa ciidamada Ingiriiska ayaa ka baxsaday xabsiga HMP Wandsworth, waxaana ninkan loo heystaa falal argagaxiso kuna sugayay xabsiga in la maxkamadeeyo.

Baadigoobka ay ciidamada booliiska ugu jiraan soo qabsahada ninkan ayaa galay maalintii labaad, waxa ayna booliiska adkeeyeen baaritaannada dekadaha iyo garoomada laga dhoofo, waxaana halkaasi la geeyay sawirrada maxbuuskan baxsadka ah.

Wiilkan 21-sanno jirka, oo laga soo saaray ciidanka bishii Maajo, ayaa la rumeysan yahay inuu ka soo baxsaday xabsiga HMP Wandsworth abbaare 7.50 subaxnimo Arbacadii, isagoo ka soo dhuuntay jikada xabsiga kaddibna qabsaday gaari xamuul ah oo jidka socday.

Booliiska ayaa sheegay in askarigan baxsadka ah markii ugu dambeysay ee la arkay uu xirnaa dharka kushiinka cunto karinta, waxa ayna booliiska ka codsadeen dadweynaha in ay xog soo siiyaan haddii ay arkaan maxbuuska baxsadka ah.

Daniel Abed Khalife ayaa ku jiray xabsiga uu ku sugayay maxkamad la xiriirta argagixisanimada iyo dembiyada sharciga sirta rasmiga ah, oo ay ku jiraan in uu sameeyay been abuur iyo isku day in ay soo saaro macluumaad waxtar u leh argagixisada.

Wasaaradda Cadaaladda UK ayaa hadda baaraysa sababta qof lagu soo eedeeyay dambiyo culus aan loo gelin xabsi amnigiisa sareeyo, iyadoo khubaradu ay aad uga caRroodeen sababta Khalife aan loogu arkin inuu halis badan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here