Donald Trump oo iska fogeeyay in uu faragelin ku sameeyay Doorashada Mareykanka.

0
89

Donald Trump oo iska fogeeyay in uu faragelin ku sameeyay Doorashada Mareykanka.

Donald Trump, Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka ayaa sheegay in uusan gelin dambi la xiriira faragelinta Doorashada dalkaas ka dhacday sanadkii 2020 gaar ahaan Gobolka Goergia oo dhowaan eedeyn la xiriirta arrintaas loosoo jeediyay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tanaasulay ballantiisii ahayd inuu si rasmi ah u hortago garsooraha maxkamadda, oo qorshaysnayd toddobaadka soo socda. Taas oo haatan macneheedu yahay, in aanu ka soo hor muuqan doonin maxkamadda ku taalla degmada Fulton ee magaalada Atlanta.

Weli lama shaacin waqti rasmi ah oo loo qabtay xilliga la guda galayo dacwadda loo heysto madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo niyadda ka saari la’ in uu markale u tartamo doorashada Madaxtinimada sanadka soo socda 2024.

Dad badan ayaa ku sifeeyay diidmada Trump in ay tahay go’aan uu isaga meerayo fadeexadaha sidii mowjadaha oo kale kusoo wajahan kuwaas oo ka imaanaya dhinacyo kala duwan, waxa ay u muuqataa in uu isaga hari doonno doorashada soo socota.

Kiisaska horyaalla oo ah kuwo culus waxaa kamid ah: Xad-gudub uu ku sameeyay Haweeney horay u dacweysay, weerarkii aqalka Baarlamaanka, Diidmada natiijo doorasho, is hor istaag isla doorasho ka dhacday dalkaas iyo in uu aqalkiisa dhigay warqado sir qaran ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here