Go’aanka DFS ee ku aadan joojinta isticmaalka Aaladaha Tiktok, Telegram iyo 1XBet ma noqon doonaa mid maanta dhaqan gala?

0
267

Go’aanka DFS ee ku aadan joojinta isticmaalka Aaladaha Tiktok, Telegram iyo 1XBet ma noqon doonaa mid maanta dhaqan gala?

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya August 20, 2023-ka ay soo saartay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ayaa lagu amar shirkadaha Internetka bixiya in ay hawada ka saaraan barnaamijyada TikTok, Telegram iyo 1XBET.

Dowladda ayaa ku sheegtay amarkaan ka soo baxay in ay u cuksatay in Barnaamijyadaan ay yihiin kuwa ka hor imaanaya Diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee Islaamka, sidoo kale waxa ay sheegtay in ay noqdeen baro ay adeegsadaan Al-Shabaab kuwaas oo fariimahooda ay ku faafiyaan.

Amarka ka soo baxay Dowladda ayaa lagu wadaa in uu maanta oo khamiis ah uu dhaqan galo, iyada oo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in la xiri doona August 24, 2023-ka.

Kaddib soo ifbixistii amarkaan waxaa hadal hayn ka dhalatay baraha Bulshada, kaas oo ku aadan sida uu amarkaan ku noqon kara mid dhaqan gal ah. Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa qaarkooda ku amaanay dowladda amarkaan ka soo baxay halka qaar kale ay ku tilmaameen in uu yahay go’aan qar iska tuur.

Qaar ka mid ah dhallinyarada isticmaasha barta Tiktok ayaa kulama kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyaga oo ka codsaday in ay dowladda ka laabato amarka lagu xirayo barta TikTok.

Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Dibada, Qorsheynta, Iskaashiga Caalmiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Golaha Aqalka Sare Senator Maryan Farax oo maalinimadii shalay la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in TikTok yahay ganacsi iyo aalada dhalliyaro badan ay ku soo gudibiyaan hibadooda, halka 1Xbit ay ku sheegtay in uu yahay mid qamaar ah ayna ku taageersan tahay in la xiro si lamid Telegram oo ay sheegtay in uu dhaqanka ka hor imaanaya.

Guddiga Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka ayaa u yeeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta XFS si su’aalo looga weydiiyo arrimo ku saabsan howlaha Wasaaradda iyo go’aankii uu ka gaaray joojinta isticmaalka Aaladaha Tiktok, Telegram iyo 1XBet.

Guddiga ayaa Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kulan la yeelan doona barqanimada maalinta Axada ee taariikhdu ku beegan tahay August 27, 2023, si ay su’aalo uga waydiiyaan amarka ka soo baxay Wasaaradda.

Haddaba ma yahay amarka ka soo baxay Dowladda Soomaaliye ee joojinta isticmaalka Aaladaha Tiktok, Telegram iyo 1XBet mid dhaqan gal ah?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here