TikTok, Telegram & 1XBET, saddexda Aalad ee Todobaadkaan Dowladda Federaalka ay xireyso.

0
192

TikTok, Telegram & 1XBET, saddexda Aalad ee Todobaadkaan Dowladda Federaalka ay xireyso.

Dawladda Soomaaliya waxay soo rogtay amar ay shirkadaha Internetka bixiya ku joojinayaan in dadku isticmaali karaan barnaamijyada TikTok, Telegram iyo 1XBET.

Sababta waxaa lagu sheegay inay ‘argagixisadu adeegsato’ iyo in’lagu faafiyo waxyaabo anshaxa ka horjeeda’. Wasiirka isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyada Jaamac Xasan Khaliif oo BBC uga warramay sababata go’aankan keentay wuxuu yiri “Waxa kallifay waa mushaakilka ay ku hayaan bulshada, sida loo isticmaalayo oo ah si aan ku haboonayn anshaxa, carqaladna ku ah amniga”.

Haddaba maxay yihiin barnaamijyadan, maxaase ka jirya eedeynta ay dawladda Soomaaliya u jeedinayso?

TikTok

Waa bar internet iyo barnaamij lagu wadaago fiidiyowyo gaagaaban oo nooc kasta leh. Fiidiyowyada la soo dhigo waxay u dhaxeeyaan 3 seken ilaa 10 daqiiqo. Waxaa lagu dhaliilaa in faafreeb aysan ku samayn waxyaabo badan, waxaana laga leeyahay Shiinaha.

Laakinse bartu waxay leedahay, sida baraha kale, xeerar ay tahay inuu u hogaansamo qofka doonaya inuu isticmaalo.

Shirkadda ByteDance ayaa TikTok billowdaay bishii September 2016. Muddo gaaban gudaheed ayey caan kaga noqotay dunida. Boqollaal malyan oo qof ayaa ku xiran, qaarna waxay soo galiyaan macluumaad kala duwan oo luqado kala duwan ku baxa.

Telegram

Waa barnaamij internet oo la isugu diro farriimaha iyo wicitaannada codka iyo fiidiyowga, waxaana laga leeyahay Ruushka.

Telegram wuxuu sheegaa in sida Whatsapp aysan cid kale suurtogal u ahayn inay arkaan ama dhagaystaan farriimaha ay laba qof isku dirayaan maadaama ay yihiin kuwo qafilan (encrypted).

Wuxuu ku shaqeeyaa barnaamijyada telefoonnada ee iOS oo la bilaabay bishii Agoosro 2013 iyo Android oo la bilaabay Oktoobar 2013.

Kombiyuutarrada xogta haya ee Telegram waxay kala yaallaan 5 meelood oo dunida ah, waxaase xarunta hawlgalinta ee barnaamijkan ay ku taallaa Dubai.

Sannad ka dib Telegram wuxuu sheegay in macaamiishiisu ay gaareen 35 malyan oo qof. Wararkii ugu dambeeyey ee barnamijkaas laga soo xigtayna waxay sheegayaan in ilaa iyo bishii Luulyo ee sannadkan dadka ku xiran ee bil kasta isticmaala ay ka sare mareen 800 oo malyan.

1XBET

Waa bar khamaarka internetka lagu cayaaro, waxaana mamnuucday hay’adda canshuuraha Maraykanka bishii Janaayo ee sannadkan. Waxaa la aasaasay 2007.

Inkastoo shirkadaas ay sheegtay inay kacday bishii Juun 2022, misna weli waa ay shaqaynaysaa.

Bishii Luulyo 2019 waxaa heshiis wada shaqayn la gashay kooxda kubadda cagta ee Barcelona.

Waxa lagu eedeeyey in siyaabo sharciga ka baxsan ay u shaqayso, waxaana guddi baaris oo Ruush ah ay shaaciyeen bishii Agoosto 2020 magacyada rag la aaminsan yahay inay abuureen oo la kala yiraahdo Sergey Karshkov, Roman Semiokhin iyo Dmitry Kazorin.

Dhallinyaro badan oo Soomaalina ay ku jiraan ayaa bartan ku xiran, waayo waxaa uu qofku ku guulaysanayaa lacag, inkastoo sidoo kalena uu ku weynayo lacag. Culiamda ayaa iyagana ku tilmaama inay tahay mid aan shareecada islaamaka waafaqsanayn maadaama diinta islaamka ay mamnuucday Khamaarka.

Isha: BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here