Dagaal saacado badan ka socda Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka

0
194

Dagaal saacado badan ka socda Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay ilaa saakay ka socda xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamo katirsan kuwa xasilinta caasimadda ee booliisa milataare iyo ciidamo kale oo milatari ah oo ka ammar qaata sargaal lagu magacaabo jeneraal Sheegow.

Dagaalka ayaa xalay fiidkii qarxay kaddib markii ciidanka xasilinta ku baxeen goob la sheegay in askar hubeysan dadka ku dhacayeen, waxaana markaasi dagaal ka dhax bilowday ciidankii hubeysnaa iyo kuwa xasilinta.

Daqiiqo kaddib dagaalka ayaa sii xoogeestay kuna fiday xaafada Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley ,halkaas oo ay degnaayeen ciidanka milatariga uu hoggaamiyo jeneraalka lagu magacaabo Sheegow.

Labada ciidan ayaa dagaalka isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana xalay ilaa saakay la maqlayay hub culus oo labada ciidan ee dagaalamayay ay isticmaalayeen, rasaasta qaar ayaana wiifto ahaan u gaareysay xaafado fog fog.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka xalay ilaa saakay ka socday Muqdisho, mana jiro ilaa hadda war rasmi ah oo dowladda iyo laamaha ammaanka kasoo saareen dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here