Wiil Soomaali ah oo dilay gabar xiriir Jaceyl kala dhaxeeyay kaddibna is toogtay

0
172

Wiil Soomaali ah oo dilay gabar xiriir Jaceyl kala dhaxeeyay kaddibna is toogtay

Wararka ka imaanaya Magaalada Colombus ee gobola Ohio dalka Mareykanka ayaa sheegaya in halkaasi ka dhacay labo dil oo ay aad uga naxeen dadka Soomaaliyeed ee kunool magaaladaasi.

Sida aan wararka ku helnay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Cali Dirir ayaa toogtay gabar kale oo Soomaali ah oo iyana lagu magacaabayay Aasiyo Muuse , kaddib markii la sheegay in uu khilaaf soo kala dhax galay.

Wiilka ayaa la sheegay in xabbad ku dhuftay gabadha xiriirka kala dhaxeeyay, waxaana markaas kaddib la sheegay in isna Cali is toogtay, wiilka iyo gabadha oo dhaawac ahaan goobta looga qaaday ayaa markii dambe labaduba geeriyoodeen.

Ciidamada booliiska magaalada Colombus oo baaritaano ku sameeyay dilkan ayaan faah faahin badan ka bixin kiiskan, waxa ayna booliiska ehelada labada marxuum u fasaxeen in ay duugan karaan.

Cali Dirir iyo Aasiya ayaa la sheegay in uu ka dhaxeeyay xiriir jaceyl oo muddo socday, waxaana lamaanahan la sheegay in ay ku ballansanaayeen in bilooyin kaddib is guursadaan, hasa ahaatee wiilka dilka geestay uu ka shakiyay in gabadha a uga baxday ballantii guur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here