Trump oo qoorta loo geliyay kiis la xiriira laalidda Doorashadii Gobolka Georgia.

0
173

Trump oo qoorta loo geliyay kiis la xiriira laalidda Doorashadii Gobolka Georgia.

Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump oo mowjado dacwo ah ay ku furan yihiin ayaa maalinba meel looga soo dhigayaa kiisas kala duwan oo uu ku muteysan karo ciqaab xabsi, Ganaax lacageed iyo in laga reebo doorashada soo socota.

Kiis ka duwan kuwii horay loogu soo eedeeyay ayaa markaan qoorta loo geliyay waana in uu si toos u laalay doorashadii looga guuleystay ee ka dhacday Gobolka Georgia sanadkii 2020kii sida lagu sheegay eeddaan cusub.

Dacwaddaan ka dhanka ah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo ah middii afaraad waxa ay muujineysaa sida uu u sameeyay awood sheegasho, takrifal iyo in uu sharciga dhinac iska dhigay isaga oo noqday Madaxweyne.

Xeer ilaaliyaha Degmada Fulton Fani Willis ayaa bilaabay baaritanka bishii Febaraayo 2021kii, marba heer ayuu kiiskaan u gudbayay illaa ugu dambeyn bannaanka lasoo dhigo eedaha culus ee Donald Trump uu wajahayo.

Dhowr jeer waxa uu iska fogeeyay in uu ku lug lahaa saddexdii eedeyn ee hore waxaana uu tilmaamay in dhammaan eedahaas ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin oo la doonayo in looga reebo Doorashada 2024ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here