Dadka ku dhintay Dabka ka kacay Kaymaha Maui ee Mareykanka oo gaaray 90 ruux.

0
171
Aerial view of the destruction of Lahania town is seen Thursday, Aug. 10, 2023, in Maui. (Kevin Fujii/Civil Beat/2023)

Dadka ku dhintay dabka khasaaraha weyn ka geystay Kaymaha Maui ee Dalka Mareykanka ayaa sii kordhay sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Hawaii, tirada geerida waxa ay gaartay 90 ruux waxaana suuragal ah in tiradu intaas kasii kororto.

Tiro Eey ah ayaa la geeyay meelo u dhow kaymaha gubanaya si ay urta uga qaybqaataan raadinta dadka la waayay ee suuragal ah in qaarkood maydadkooda laga heli karo dhulka gubanaya sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ku howlan howshaan.

Dhismo badan ayaa burburay, Gawaari aad u badan ayuu dabku gubay oo waxaa intaas dheer in weli uu socdo dedaal xooggan oo lagu raadinayo dad markii ugu war dambeysay ehelkooda ku sugnaa goobtaas gubatay.

Madaxa Booliiska Magaalada Maui ninka lagu magacaabo John Pelletier ayaa xaqiijiyay in saddex marka loo qaybiyo howlgalka labo kamid ah ay kaalin firfircoon ku lahaayeen Eeyaha si ay u uriyaan urta Maydadka.

Qiimeyn lagu sameeyay khasaaraha ka dhashay hantida dib loogu dhisi karo Magaalada Maui ayaa lagu sheegay in mid aad u badan, halka qiyaasta hantida baaba’day ay gaareyso $5.5 Bilyan inkasta oo intaas ka badan karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here