Booliiska Canada oo raadinaya Dad lagu waayay Daadad ka dhashay Roob Xooggan oo ka da’ay Dalkaas.

0
215

Saraakiil katirsan Booliiska Canada ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin raadinta illaa afar ruux oo lagu waayay daadad xooggan oo ka dhashay Roob saacado badan ka da’ay dalkaas gaar ahaan Gobolka Atlantic.

Koronto la’aan ayuu roobku sababay waxaana hakad galay dhammaan adeegyadii aan looga maarmin korontada, kumanaan guri ayaa mugdi ah iyada oo aanay wax dab ah laga shidan oo waxaa joogsaday mashiinnada ay wax ku karsanayeen.

Madaxa Nova Scotio, Tim Houston ayaa sheegay in roobka uu xoogganaa isla markaana saameyntiisa laga dareemay Gobolka Atlantic, gurmad siinta dadka caawinaadda ka dalbanaya ayuu tilmaamay in ay ku howlan yihiin.

Wax ka yar 24 saac ayuu sheegay Tim in roobka da’ay uu gaarayay 25 santi Mitir taasina ay muujineyso baaxadda qulqulka xareedda dhibicda roobkaas ka dhalatay oo dhul baaxad weyn biyo degeen ka dhigtay.

Dowladda Canada ayaa sheegtay in ay si gaar ah wax uga qaban doonto dadka wax ku noqday dhibaatooyinka ka dhashay musiibooyinka dabiiciga ah sida Dabka gubay Kaymaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Xooggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here