Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa ku guuleystay Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada kaddib doorasho saakay ka dhacday Magaalada Hargeysa.
Codeynta ayaa u dhacday qaab gacan-taag ah, waxaana shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland halka uu dhinac fadhiyay ku xigeenka 2aad oo ka tanaasulay musharraxnimadiisa.
Labada musharrax ee u tartantay kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kala ah: Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon iyo Maxamed Khadar Daahir Mooge oo ugu dambeyn codeynta ku kala haray.
Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir ayaa helay 35 Cod oo ah Xildhibaannada codeeyay halka Guddoomiyaha la doortay ee Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon uu helay 46 Mudane sida uu sheegay shir Guddoonka.