Kenya: Saddex qof ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen 12 qof oo kale kaddib dibadbaxyo ka dhacay Magaalada Nairobi

0
198

Ugu yaraan saddex qof ayaa lag waramayaa in ay ku dhinteen dibadbaxyadii shalay ka dhacay dalka kenya ee looga soo horjeeday canshuur kordhinta iyo kor u kaca qiimaha maciishadda.

Tobannaan qof oo kale ayaa la dhigay cusbitaallada kuwaas oo ku dhawaacmay dibadbaxyadii rabshadaha watay, iyadoo xabsiga la dhigay in ka badan saddex boqol oo qof maalintii ugu horreysay dibadbaxyo mucaaradku ku baaqeen in ay socdaan ilaa jimcaha barri ah.

Mucaaradka Kenya ayaa maalintii labaad wali ku adkeysanaya in ay sii wadayaan bannaanbaxyada, iaydoo dowladduna ay sharci darro ku tilmaantay muddaharaadyada.

Dibadbaxyada ka socda dalka Kenya ayaa galay maalintii labaad iyaga oo ku baaqaya in dowladda madaxweyne William Ruto ay hoos u dhigto qiimaha maciishada. Waxa kale oo ay ujeedadoodu ahayd inay madaxweynaha ku qasbaan inuu baabi’iyo sharci dhigaya cashuuro cusub.

Hogamiyeyasha diinta masiixiga iyo muslimiinta ayaa ku baaqay wada hadal dhexmara dowlada iyo mucaaradka si loo soo afjaro dibadbaxyada. Madaxweyne Ruto ayaa u ol’oleeyay inuu hoos u dhigo qiimaha lagu kala iibsado, waxaana lagu dhaleeceeyay inuusan ka dhabeyn ballanqaadkiisa.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhaawacantay mudaaharaadyadii Arbacadii dalka oo dhan ka dhacay.Dibadbaxyada ayaa lagu wadaa inay sii socdaan Arbacada ilaa fiidnimada Jimcaha.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo ku baaqay dibadbaxa ayaan shalay soo xaadirin in uu hogaamiyo Dibadbaxayaashiisa inkastoo uu isagu yahay dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here